Golaha Wasiirrada DFS oo ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee aan heshiiska lagu ahayn!

26 Nov 2024 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirrada DFS oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo aan heshiis lagu ahayn.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee ay meelmariyeen golaha wasiiraddu ayuu madaxweyne Xassan Sheekh sheegayaa in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah, waxaana xubnaha ku jira shaqaale rayid ah, qaar horey u waayey xildhibaan dawlad goboleed iyo mid Federaal.

Xasan Sheekh ayaa ku sheegay guddigaan inay yihiin guddi Qaran oo dastuuri ah oo mas’uul ka ah maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay kala yihiin:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8) Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil

Puntlandes.com

About The Author