Maxkamadda gobolka Banaadir oo waaran soo qabasho ah u jartay madaxweynaha Jubaland
27 Nov 2024 (Puntlandes.com) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waaran soo qabasho ah u jartay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Maxkamadda oo ku eedaysay madaxweynaha Khiyaano qaran ayaa u cuskatay Qodobada 217,187, 184aad, iyagoo qodobadu yihiin xabsi daa’in iyo Dil Toogasho ah.
184-aad waa dil toogasho ah, haddii eedahaas lagu helo oo maxkamad la horkeeni Axmed Madoobe.
Garsoorka dawladda Federaalka ayaa u muuqdo mid siyaasadda ku milmay oo la aamin karin, iyadoo ay jirtay dareen siyaasiinta ka qabeen.