JONLF oo ku baaqday in laga wada hadlo xiisadaha ka taagan Jubaland

27 Nov 2024 (Puntlandes.com) Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) ONLF oo qoraal soo saartay ayaa ku baaqday in la is xakameeyo oo laga wada hadlo iisadaha ka taagan Jubaland.

ONLF ayaa qoraalka ku tiri “Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanada Jubaland, gaar ahaan agagaarka deegaanka Raas-Kanbooni kaddib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyey deegaankaas, kaddibna abaabul gurmad ah oo ay sameeyeen maamul goboleedka Jubaland. JWXO waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo xakameeyo dhammaan dhinacyada si looga hortago in xaaladdu sii xumaato iskuna badasho gacan ka hadal dhiig ku daato.”

About The Author