Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Faroole oo ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xiisadda ka aloosan Jubaland
27 Nov 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Puntland, isla markaasna ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xiisadda ka aloosan Jubbaland.
Senator Faroole ayaa dul joogsaday qodobadaan hoose:
- U daabulidda ciidanka XDS ee Jubadda
- Ka digay khataraha nabadda, xasiloonida, iyo midnimada qaranka.
- Ku booriyey wada-hadal siyaasadeed degdeg ah oo loo dhan yahay si loo xalliyo xiisadda.
- Iftiimisay arrimaha khilaafyada dastuuriga ah iyo sharcinimada NCC.