Kismayo oo laga fujinayo sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh

28 Nov 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Degmada Kismayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa wuxuu soo saaray amar ah in laga fujiyo magaalada dhammaan sawirrada Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo Maxkadda Kismayo soo saartay amar lagu xirayo.

Sidaan hoose ayuu u qornaa qoraal kooban oo uu maamulka Kismayo soosaaray:

AMAR DEGDEG AH:

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed wuxuu ku amrayaa dadweynaha Kismaayo in Sawirada Eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud laga fujiyo dhamaan Xafiisyada Dowladda, Goobaha Waxbarashada, Goobaha Ganacsiga, Guryaha iyo meel kasta oo uu sawirkiisa ku dhaganyahay.

About The Author