MUUQAAL: Baarlamaanka Puntland oo dib u celiyey qabyo qoraallada Xeerarka Doorashooyinka Puntland
05 Dec 2024 (Puntlandes.com) Golaha Wakiilada Puntland ayaa dib u celiyey qabyo qoraallada Xeerarka Doorashooyinka Puntland, oo ay horey xukuumaddu ugu gudbisey.
Golaha ayaa ku sababeeyey in u celinta in loo baahan yahay in lagala tashado dhammaan qeybaha bulshada, siyaasiinta madax banaan, xisbiyasada siyaasadeed & daneeyayaasha kale.
Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey dhammaan xeerarka doorashooyin, iyagoo aan haysan ogol siyaasadeed, daneeyayaashana aan lagala tashan laakiin uu watay madaxweyne xasan Sheekh kaligiis.
Hoos ka akhriso qoraalka uu dib ugu celiyey Baarlamaanku:
DIB-U-CELINTA QABYO-QORAALLADA XEERARKA DOORASHOOYINKA PUNTLAND
TAARIIKH: 5 DISEMBER 2024
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dib looceliyo qabyo-qoraallada wax-ka-bedelka ee la xiriira xeerarka doorashooyinka Puntland, kuwaas oo soo maray kalfadhigii 53-aad ee Golaha.
Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaatay dib-u-celinta, iyadoo 38 Xildhibaan ay oggoleen, 0 ay diideen, 3-na ay aamusen. Sidaas ayaa ansax ku noqotay dib-u-celinta qabyo-qoraalka.
Iyadoo la tixraacayo Qodobka 64-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 3-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaa la soo jeedinayaa in qabyo-qoraalladan dib loogu celiyo Golaha Xukuumadda si dib-u-eegis dhammeystiran loogu sameeyo ka hor inta aan dib loogu soo gudbin Golaha Wakiillada.
Go’aankan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta habraaca iyo tayaynta hanaanka doorashooyinka Puntland. Qabyo-qoraallada dib-u-celinta ee la isku raacay waxay kala yihiin:
1. Qabyo-qoraalka Wax-ka-bedelka Xeerka Doorashada
2. Qabyo-qoraalka Wax-ka-bedelka Xeerka Guddiga Doorashadda Puntland.
3. Qabyo-qoraalka Wax-ka-bedelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyaha Puntland
4. Qabyo-qoraalka Wax-ka-bedelka Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Puntland
Sababaha Dib-u-Celinta ayaa lagu sheegay:
1. Habraaca Xeer-dejinta: Ma helin wakhti ku filan oo lagu soo mariyo habraaca saxda ah, sida la-tashiga bulshada rayidka ah, xisbiyada siyaasadeed, siyaasiyiinta madaxbannaan, iyo daneeyayaasha kale.
2. God-daloollo Sharciyeed: Qabyo-qoraalladan waxaa ku jira god-daloollo badan maadaama lagu diyaariyay wakhti kooban.
3. Hakadka Kalfadhiga: Hakadka ku yimid kalfadhigii 53-aad ee Golaha Wakiillada ayaa saameyn ku yeeshay habsami-u-socodka xeerarkan.
4. Wakhtiga Golaha: Inkastoo xeerarkan xilli hore loo soo gudbiyay Golaha, haddana muddo dheer ayay hor yaalleen iyagoo aan la dhammeystirin.
5. Baahida Xeerar Dhammaystiran: Waxaa jirta baahi loo qabo xeerar dhammaystiran oo waafaqsan Dastuurka Puntland, si loo hubiyo hufnaanta hanaanka doorashooyinka.
6. Talo-soojeedin: Talooyinka Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada waxay ku taliyeen dib-u-eegis dhammeystiran ka hor inta aan xeerarkan la ansixin.
– DHAMMAAD –