Itoobiya oo ciidan iyo hub culus ku daabulaysa Koonfurta Soomaaliya
06 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Itoobiya ayaa maalmihii u dambeysay ciidankeeda iyo hubkeeda culus ku daabulaysa Koonfurta Soomaaliya, iyadoo gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan 40 Taangiyo ah ay ka gudbeen magaalada Godey oo ay uga sii gudbeenn deegaanada ay xaduuda Soomaaliya kajoogaan ciidanka Itoobiya.
Dhanka kale ciidanka Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamo Jubaland ah ayaa maanta galay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay Dawladda Federaalku ay doonaysay in ay ku qabato wasiirka Amniga ee Jubaland.
Jubaland oo caawimaad ka helaysa Itoobiya ayaa ugu itaal roonaatay Dawladda Federaalka gobolka Gedo.
Puntlandes.com