DFS oo Shirkadaha diyaaradaha ee gudaha Soomaaliya ka shaqeeya ku amartay inay Ciidan u daabulaan raaskambooni
06 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dowlada Ferderaalka Soomaaliya ayaa Shirkadaha diyaaradaha ee gudaha Soomaaliya ka shaqeeya kula heshiisay inay Ciidan u daabulaan Raaskambooni qarashkana iyagu bixiyaan.
Laga bilaabo berrito oo Sabti ah shirikadaha diyaaradaha waxay bixinayaan afar diyaaradood oo ciidan cusub lagu geynayo Raaskanbooni. Qorshuhu waa in labaatan duulimaad oo ciidan ah maalmahan soo socda Raaskanbooni laga dejiyo.
Dhamaan qarashka duulimaadyadaan waxaa bixinaya oo qaybsanaya Ururka shirikadaha diyaaradaha ee Soomaaliya. Dowlada ayaa heshiiskan kahor bixisay digniin ah in diyaaradii diida amarkan lagala noqonayo shatiga iyo sharciyada ay Soomaaliya kaga shaqayso.
DFS ayaa maanta xanibtay duulimaadyadii aadi jiray koonfurta Soomaaliya kadib markii ay u diidday in ay oggolaansho duulis siiso diyaaraddii aan aadin magaalada Raaskaanbooni.