Taliskii Bashaar Al Asad ee dalka Suuriya oo la riday
08 Dec 2024 (Puntlandes.com) Xukunkii Bashaar Al Asad oo dalka Suuriya gacan adag oo kalitalisnimo ah ku soo xukumayey ku dhawaad 25 sano ayaa xoogaga mucaaradku xukunka ka tuureen maanta oo ay taariikhdu tahay 8da december 2024ka.
Bashaar Al Asad ayaa xukunka ka dhaxlay ama kala wareegay Aabihii Xaafit Al Adsad oo dalkaas maamulayey 1971 ilaa 2000, iyagoo qoyska Asad oo dalka Suuriya xukumayey in ka badan 54 sano taasoomaanta ku soo gabogaboobay.
Sanadkii 1982 Bashaar Al Asad aabihiis Bashaar Al Asad ayaa in ka badan 40k shacabka reer suuriya ku laayey magaalada Xama, waxayna laayeen shacab badan oo reer Suriya qaarna waxay ku ilaaween Xabsoiyada dalkaas intii ay xukunka hayeen.