Suuriya; Duuliye diiday inuu dadkiisa duqeeyo oo u xirnaa 43 sano oo xabsiga laspoo daayey

08 Dec 2024 (Puntlandes.com) Kadib marlkii maanta la riday xukunkii Bashaar Al Asad oo dalka Suuriya gacan adag oo kalitalisnimo ah ku soo xukumayey ku dhawaad 25 sano ayaa mucaaradku waxay Xabsiyada dalkaas ka siiyeen dadkii Siyaasadda u xirnaa,

Maxaabiista maanta xabsiga Suuriya laga siidaayey waxaa kamid ah Raghid Al-Tatari, oo ahaa duuliye ciidanka cirka ah oo afartan sadax sano kahor diiday inuu duqeeyo shacabka magaalooyin Xama ee Suuriya kuyaala, isagoo 43 sano ayuu xukun la’aan xirnaa.

About The Author