DFS ”Itoobiya waxay kadajisay Kismayo 2 diyaaradood oo Hub waday qaadayna MD kuxigeenkii hore Jubaland,.. taas oo muujinaysa kala dhantaalida midnimada dalka”
08 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku cambaaraysay dhaqdhaqaaqyo ay dawladda Itoobiya ka wado gudaha dalka Soomaaliya.
DFS ayaa ku tiri warsaxaafadeedka ”Itoobiya waxay ka dajisay Kismayo 2 diyaaradood oo Hub waday qaadayna MD kuxigeenkii hore Jubaland,.. taas oo muujinaysa kala dhantaalida midnimada dalka”
“ Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladimada yo madabanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dhanka kale dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta”