Xasan Sheekh oo berri Turkiga kula kulmaya Abiy Axmed

09 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa berri ku sii jeeda dalka Turkiga, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

xasan Sheekh ayy madaxweynaha Turkiga Erdogan ka codsaday inuu dhexdhexaadiyo isaga iyo Abiy Axmed, iyadoo wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan.

Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan Madaxda Gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo, iyadoo Madaxweynuhu horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii MOU-ga ay la gashay Maamulka Somaliland.

About The Author