Madaxweyne Xasan Sheekh oo gobolka banaadir umagacaabay gudoomiye cusub
10 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho, Mr.Madaale isagoo xilkaasi u magacaabay Maxamed Axmed Amiir.
Amiir ayaa waxa uu in muddo ahba ku noolaa Dalka Ingriiska isagoo sanadkii u dambeeyey u joogay Muqdishi suagaha xilka guddoomiyaha gobolka.
Guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gobolka soo xukumayey 2 sano iyo bar, wuxuuna ahaa mid ku dhow madaxweyne xasan Sheekh oo iminka dhabarka u jeediyey.