Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS & safiirka UK ee Soomaaliya oo si aad u kala duwan uga hadlay kulankii RW iyo safiirka
10 Dec 2024 (Puntlandes.com) Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyey in kulankii Xamse iyo safiirka UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis ay uga wada hadleen doorashooyinka qof iyo cod ah ee ay qorshaynayso dawladdu iyadoio uu sheegay in safiirku taageeray.
Dhanka kale Safiirka UK ee Somaliya. Oo kulanka ka hadlay ayaa qoraal ku yiri “Deganaanshaha iyo Xasiloonidu, waa furaha Mustaqbalka Somaliya, waxaana loo baahan yahay in xal Nabadeed loo helo xaalka Jubaland”
Kulankaan waxa uu ahaa mid ay Dowlada Ingiriiska ugu gudbisay mowqifkeeda ku aadan dagaalka Jubaland.
Kulankaan, waxa uu daba socdaa mid Xalay ay Wadajir Safiirada Beesha Caalamku ula yeegeen madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo uga digay arinta Jubaland ka dalbay inuu ciidanka Raaskambooni ka soo celiyo.