Sawirro: Doolow oo ay gaareen wafti sare oo u hogaminayo MD kuxigeenka 1aad ee Jubaland

21 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka amniga Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Gudoomiyaha degmada Maxamed xuseen Cabdi Lafay iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Madaxweyne ku xigeenka kusoo dhaweeyay degmada Doolow.

Wasiirka iyo maamulka degmada Dooloow ayaa uga warbixiyey wafdiga xaalka gobolka iyo guud ahaan Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka oo iminka ka soo noqday caasimadda Itoobiya oo ku sugnaa todobaadyadii dambe ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka.

Dhanka kale Magaalada Garbahaarey ayaa waxa iminka ku sugan wasiirka Am niga maamulka Xasan Sheekh isagoo halkaas ka wada abaabul ka dhan ah Jubaland inkastaa shacabka gobolka Gedo ay iska diideen damaca Xasan Sheekh wado.

About The Author