Muuqaal-Sawirro: Madaxweyne Cirro ayaa Ciidamada Somaliland faray in ay Amar buuxa ku qabaan in ay Difaacaan Dalka iyo Dadkaba
21 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan kula yeeshay Madaxtooyada Guddoomiyeyaasha iyo Hoggaanada Saddexda Xisbi ee WADDANI, KAAH iyo KULMIYE. Madaxweynuhu wuxuu Saddexda Xisbi uga mahad naqay inay ajiibeen kulanka uu ugu yeedhay, isaga oo 3-da Xisbi ugu hambalyeeyay guushii ay Xisbiyo ahaan ka soo hooyeen doorashooyinkii ka dhacay dalka, iyagoo ahaan doona Xisbiyada Qaranka ee 10-ka sanno oo socda.
Madaxweyne Cirro ayaa Ciidamada Somaliland faray in ay Amar buuxa ku qabaan in ay Difaacaan Dalka iyo Dadkaba.
Madaxweynaha ayaa wuxuu mar kale gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka aloosan bariga gobolka Sool iyo Degmada Ceerigaabo.