Faransiiska oo kudhawaaqday inay taageerayso sidii ay Itoobiya ku gaari lahayd Badda Cas
22 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqday Ioobiya ayaa inta uu ku jiray shirka jaraa’id ee wadajirka ay u qabteen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aadan helitaanka badda.
Abiy ayaa dhankiisa sheegay in labada hoggaamiye ay si fiican uga wadahadleen sidii dalkiisa uu nabad ugu geli lahaa badda cas. Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Faransiiska uu aqbalay codsigii Itoobiya ee ahaa in laga taageerro doonista marinka badda.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa taageero milateri,mid dhaqaale & Siyaasadeedba u balan-qaaday Itoobiya, intii ay wadajirka shirka jaraa’id u hayeen Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed shirkoodii ka dhacay magaalada Addis Ababa.