Madaxweyne Xasan Sheekh oo ceyriyey Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo ahaa wasiirkii Batroolka & ….
22 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ceyriyey Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo ahaa wasiirkii Batroolka oo uu kalsooni badan ku qabi jiray ahaana gacanta midig ee Madaxweynaha ahna ninkii haayay galka Shidaal baarista iyadoo lagu lagu badalay Daahir Shire Maxamed.
Sidoo kale waxaa la isku bedelay Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada oo loo magacaabay Gen Bashiir Goobe iyadoo xolkii uu hayey ee Wasiirka Haweenka loo magacaabay Khadiija Makhzuumi, tan oo ka ddhigaysa inuu kaftami karo Gen Goobe.
Arrinta hadal haynta dhalisay ayaa ah xil ka qaadista Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo ka mid ahaa kaadiriinta Xisbiga UPD, sidoo kalena ah Madaxweynaha abtigiisa waxay isku khilaafeen Madaxweynaha habka qeybsiga xaquuqal qalqalin (Signing Bonus), oo lakala qarsaday, laysna ogaaday.
Cabdirisaaq ayaa waxaa lagu xusuusanayaa 2dii sanno ee lasoo dhaafay si xoogan ugu gafijiray cid kasta oo ka aragtida duwan madaxweyne Xassan Sheekh.