Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo arimo Nabadayn u tagay degmada Xarfo ee Gobolka Mudug
22 Dec 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Abdisamad Yusuf Dhuux ayaa gaaray magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug.
Waftigaan oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL Xildhibaan Yaasiin Cumar Jaamac, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa gaaray Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug oo dirir ku dhexmartay Beelo walaalo ah.
Waxaa Degmada Xarfo hore ugu sugnaa Maamulka Gobolka Mudug iyo Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, kuwaas oo qabtay Guddi dhex-dhexaad ah oo dejiya colaadda ka soo cusboonaatay Degmada Xarfo.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL oo ka hadlay Xaaladda Degmada Xarfo ayaa u mahadceliyey Isimaddii,Odayaashii iyo Masuuliyiintii Dowladda ee Qaybta ka ahaa xabad-joojinta. Wuxuu ku dheeraaday Wasiirku Muhiimadda Nabadda inay nasiib darro tahay maanta in ay islaayaan dad walaalo. Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac Wuxu ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan, xabad joojin rasmi ahna dhaqan galiyaan si loogu gudbo Xalka dhacdadan.