Ciidanka DFS oo weeraray Doolow ee gobolka Gedo & Kulbiyoe ee gobolka Jubadda hoose

23 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa kula dagaalantay Jubland magaalada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana ciidanka dawladda Federaalka ay isku dayayeen inay galaan garoonka diyaaradaha oo la wareegaan, balse Jubaland ayaa ka hortagtay isku daygaas.

Saraakiisha Ciidanka DFS ee Baladxaawo kusugnaa oo Gurmad u aaday dagaalka Doolow ayaa sheegay in Itoobiya soo weerartay, maalmo kahor Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Itoobiyaanka nafta u hurayaan nabadda Soomaaliya.

Jubaland ayaa aroornimadii hore ee saaka diyaarad ka dajisay magaalada Doolow, iyadoo wasiiro ka tirsanaa maamulkaas ay la socdeen, Doolow ayay DFS maalmihii u dambeeyey xayiraad kusoo rogtay diyaaradihii aadi jiray.

Dhanka kale waxaa Ciidan ka amar qaata DFS oo ka haray kuwii Raaskambooni ay weearareen gudoomiyaha degmada Badhaadhe oo booqanayey deegaanka Kulniyow. Weerarkaas ayey Ciidan DFS waxay ku dileen 5 Askari oo ka tirsan ilaalada gudoomiyaha, halka ay Askirina ka dhaawaceen mid kalena ka qabsadeen.

Puntlandes.com

About The Author