Muuqaal: Wasiirka Amniga Jubaland oo sheegay in isku daygii laga DFS ee Doolow ay fashiliyeen

23 Dec 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlada Jubaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay in uu fashilmay isku day kale oo ciidamada DFS ay ku doonayeen inay qalalaase iyo fawdo ka abuuraan degmada.

Wasiirka Amniga ayaa waxa uu sheegay in isku daygaasi laga hortagay magaalada amnigeedana uu yahay mid gacanta ay ku hayaan, kana hortagi doonaan wax walbo oo caqabad ku ah amniga degmada Doolow.

About The Author