DFS: waxaan Cambaaraynaynaa Falka Xadgudubka ah ee Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Magaalada Doolow.
23 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa waxay Cambaaraysay Xadgud ay ku sheregtay in Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Magaalada Doolow, iyadoo ku caddaysayinay jabisay Heshiiskii Ankara, kan Midowga Afrika & Caalamka, markii ay ciidankeeda maanta ka dagaalameen magaalada Doolow, oo ay la dagaaleen ciidan katirsan DFS..
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay warsaxaafadeedka ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.”
Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.
Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.”
Dhanka dhinaca kale, isla maanta DFS ayaa u dirtay Addis Ababa, wafdi kasocda dhankeeda oo kala hadlaya Itoobiya sidii loo amba-qaadi lahaa gaaritaanka Itoobiya ee Badda Soomaaliya, wafdigaasna berrito ayay kulamadooda bilaabi doonaan, xili ay Dawladda Soomaaliya sheegeyso in dal madax banaanidiisa lagu xadgudbayo uu Baddiisa kala hadlaya cid aan ogoleyn madax banaaniba