BAAQA NABADEED IYO GO’AANKA KA SOO BAXAY SHAQAAQADII KA DHACDAY XARFO
24 Dec 2024 (Puntlandes.com) Wadatashi ay yeesheen waftiga Dawladda, Isimada dhaqanka, Culumada, guddiga odayaasha ee dhex-dhexeedinta beelaha iyo guddiga odayaasha labada daraf ee dirirtu dhexmartay waxaa lagu heshiiyey qodobada soo socda.
1. waxaa la isla qaatay xabad joojin buuxda.
2. In magaalada laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin.
3. In labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024.
4. in darafkii jabiya xabad joojinta lagu heshiiyey lagu ganaaxo lacag dhan $20 (Labaatan kun oo Dollar), iyo falkaas khasaaraha ka dhasha.
5. in masuuliyadda amniga guud ahaan Degmada Xarfo ay masuul ka tahay Dawladda Puntland.
6. waxaa kale oo guddigu go’aamiyeen in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay masuul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman.
7. Ugu dambeyntii waxaa la farayaa in dhammaan darafyadu u hogaansamaan awaamiirta la isla qaatay.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎