Ethiopia oo Beenisay Eedii DFS usoo jeedisay ee Doolow

24 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Itoobiya ayaa beenisay eeda DF Soomaaliya ee ah in ay ciidanka Itoobiya ka qayb ahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Doolow ee gobalka Gedo.

Itoobiya ayaa ku eedeysay in arrintan ay Soomaaliya uga gol leedahay inaan xariirka la wanaajin, ayna jirto gacan 3aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, taas oo ay Itoobiyaanku u wadaan dawladda Masar.

Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadalo ad adag hawada isku mariyey, waxay Qaahira sheegtay in aan Itoobiya Badda Cas loo ogolaan doonin aslanba, xiligaas oo uu garabtaagnaa Axmed Fiqi oo maalmo ka hor Ankara kaga qeybgalay madashii heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya.

Iminka iyadoo ay labada dhan sidaas u hadlayaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Addis Ababa u dirsaday wafdi Itoobiya kala hadla sidii ay Badda kugari lahayd.

About The Author