DFS oo kulankii Addis Ababa kasoo saartay inay Itoobiya Xiriir wacan leeyihiin ayna wanaajinayaan!!
24 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya oo kulankii Addis Ababa ee saaka war kasoo saartay ayaa sheegtay in laysku raacay madax banaani ilaalinta, sii ambaqaadida Heshiiskii Ankara iyo in Itoobiya sheegtay inay baarayso dhacdadii Doolow.
Maamulka Xasan Sheekh ayaa warkan cusub ku sheegay in xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu soo hagaagayo wixii ka dambeeyey heshiiskii Ankara, oo hadda natiijo fiican laga hayo.
Saacado kooban ka hor labada dalba waa is eedeeyeen, Itoobiyana Warsaxaafadeedkeedii marnaba ma ayssn ku sheegin in ay baaritaan ku sameynayso dhacdadii Doolow, halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka Itoobya.