Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya u dirsaday Labo nin oo wakiil ka ah!!
24 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu Itoobiya u dirsaday Labo nin oo wakiil ka ah waana wasiirul dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Cali Balcad iyo Taliyaha hay´adda NISA Sanbaloolshe.
Taliyaha NISA wuxuu la kulmay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya Ridwaan oo ay dhinac fadhiyaan ama shirka ku wehiliyaan madax katirsan hay´addiisa, halka dhanka Soomaaliya uu fadhiyo qof oo kaliya.
Dhanka kale wasiirul dawle Cali balcad ayaa isna kaligiis kulan la yeeshay wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya.
Wafdigaan oo maamulka Xasan Sheekh ka jooga Addis Ababa ayuu warsaxaafadeed cambaaryn ah soo saaray xalay, iyadoo Itoobayana ya ku jawaantay warsaxaafadeed ay ku beenisay eedaynta Xasan Sheekh kuna sheegtay inay gacan sadexaad oo ay ula jeedo Masar ka dambayso cambaaraynta.
Halkaas ayey maanta maraysaa dawladnimadii Soomaaliyeed.