Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo loo soo bandhigay qorshaha iyo naqshada Isbitaalka ugu weyn Puntland oo laga hirgelinayo Garowe

24 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta loo soo bandhigay qorshaha iyo naqshada Isbitaalka ugu weyn Puntland oo laga hirgelinayo Garowe, iyadoo wafdi uu hooggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha Degmada Garowe Cabdulqaadir Geeddi ay arrintan usoo gaareen Bosaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la helo Isbitaal weyn oo dadku kaga maarmo baahiyaha caafimaad ee loo aado dalka dibadiisa, wuxuuna ku booriyey Maamulka degmada Garowe iyo Shirkadda dhisaysa in dhakhso loo billaabo Isbitaalka.

Isbitaalka IHS Hospital, waxaa naqshadiisa lagu muujiyey habka casriga ah ee loo dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira, waana xalka ay Dowladdu u heshay bulshadeeda si ay uga maarmaan in Caafimaad loo aado dibadda.

Munaasabadda waxaa ka qeybgelay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qorsheel, Guddoomiyaha degmada Garowe Cabdulqaadir Geeddi, Dr Damaan Aden, MD, FACP oo ka socda IHS Health care system iyo masuulyiin kale.

About The Author