Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Eriteriya

25 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku wajahan dalka Eriteriya halkaasi oo ay dhiggiisa Afwrki ka wadahadlayaan Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya oo Eriteriya ku tilmaantay mid lagu deg degey.

Villa Somalia ayaa iskaashi saddex geesood ah la yeelatay Masar & Eriteriya, ka dib khilaafkii Itoobiya oo ay hadda heshiiyeen, iyadoo safarkaani noqonayo kiis 8aad tan ee uu madaxweynuhu ku tago tan iyo markuu xilka qabtay.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa 72 saacadood gudohood isku maray Masar, Eritrea,Turkiga iyo Itoobiya, taas oo ka dhigan gabi dhacleyn iyo siyaasad aan fadhin.

About The Author