Xukuuumada Somaliland oo si adag u canbaareysay waxay ugu yeertay xasuuqa loo geystay shacabka Dacawaley
25 Dec 2024 (Puntlandes.com) Xukuuumada Somaliland ayaa si adag u canbaareysay waxay ugu yeertay xasuuqa loo geystay shacabka deegaanka Dacawaley ee dawlad deegaanka Soomaalida DDS.
Warsaxaafadeed ay soo ssaartay Wasaaradda Amniga Somaliland ayaa lagu sheegay in si adag ay dawladda Somaliland u cambaaraynayso xasuus ay lagu sheegay inay gaysteen Ciidanka Liyuu Booliska.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeed:
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.
Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.
Wasiirka Amniga Gudaha waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.
Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Somaliland u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.
Xukuumadda Somaliland waxay la xiriirtay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xiriir Nabadgelyo Somaliland, waxayna Xukuumaddu ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadkooda.