Maamulka Deegaanka Soomaalida oo faahfaahin kasoo saaray Dagaalkii Dacawalay iyo Daandaansi ay kusheegeen inuu wado Maamulka Somaliland

25 Dec 2024 (Puntlandes.com) Maamulka Deegaanka Soomaalida gaar ahaan Xafiiska Nabadgalyada ayaa Qoraalkan hoose Caawa kasoo saaray Dagaalkii Dacawalay Iyo Daandaansiga Siyaasadeed ee Maamulka Somaliland.

“Gogol dhaaf siyaasadeed”

Dablay hubaysan oo kasoo gudubtay Xadka Soomaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay khalkhal iyo nabadgalyo darro kawaday gudaha Deegaanka, gaar ahaan dhul daaqsimeedka u dhaxeeya labada degmo ee Xarshin iyo Yoocaale.

Maleeshiyadan ayaa tiro ciidanka Booliska Deegaanka ah oo nabad ilaalin u joogay aaggaas ku laayay maalmo kahor, balse Dawladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas.balse Nasiib darro, dablaydaas oo ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanka.

Hay’adaha amaanka Deegaanka ayaa ku hawlan gudashada waajibka ka saaran ee soocelinta saraynta sharciga iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Deegaanka.

Dhanka kale, waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo curfiga dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka.

Waxaan ku boorinaynaa wasiirka amniga Somaliland inuu joojiyo gogol dhaafkan siyaasadeed, ilaaliyana xidhiidhka darisnimo iyo kan dawladnimo ee qeexaya arimahan oo kale.

Dhamaad

About The Author