Ciidanka Booliska Puntland kk kahadlay Diyaarinta qorshaha 500 oo xubnood oo leh Aqoon jamacadeed oo ay qaadanayaan
26 Dec 2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka hadlay Diyaarinta qorshaha ka mid noqoshada Ciidanka ee 2024-2025, taasoo Taliska Boalisku ku qaadanayaan 500 oo xubnood oo leh Aqoon jamacadeed.
Hoos ka akhriso qoraalka Booliska:
Kadib Diyaarinta qorshaha ka mid noqoshada Ciidanka Boliiska Puntland u diyaariyey Dhalinyarqda Puntland ee 2024-2025 tasoo Taliska Boliisku diyaariyey qaadashada 500 oo xubnood oo leh aqoon jamacadeed.
Maanta oo Taariikhdu tahay 26/12/2024 Waxaa soo xirmay qabashada arjiyada codsiga kamid noqoshada ciidanka boliiska dowladda Puntland tasoo lagusoo gebo gabeeyey Kulliyadda Boliiska CATMO.
Sidaas Darteed Taliska ciidanka Boliiska DPL Wuxuu u hambalyeynaa dhammaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee fursada u heshay iney kamid noqdaan ciidan booliska dowlada Puntland,waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhammaan inta isku dayday ee aan fursada u helin iyo dhamaan inta daneynaysay.
Haddaba Ciidanka boliiska dowladda Puntland wuxuu diyaariyey qorshe wajiga labaad ah oo dhalinyarada aqoonyahanka ah fursad usiinaya iney kaga mid noqdaan ciidanka,si ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan .
Waxaan idiin rajaynaynaa dhamaantiin guul iyo hormar .
FIIRO GAAR AH Haddii aad hesho xog ku saabsan falal amni-darro ama aad aragto wax khatar gelin kara amniga gudaha Puntland, fadlan la xiriir Ciidanka Booliska Puntland.
Wac: 999 haddii aad warbixin ka bixinayso dembi socda ama haddii aad ku jirto xaalad khatar degdeg ah. Adeeggan wuxuu shaqeeyaa 24/7.
— DHAMMAAD —