Somaliland oo shaacisay inay dagaalkii deegaanka Dacawaley ee DDS kala heshiisay Dawlad Deegaanka!

26 Dec 2024 (Puntlandes.com) Somaliland oo war kasoo saartay dagaalkii Dacawalay ayaa shaacisay inay dagaalkii deegaanka Dacawaley ee degmada xarshin ee gobolka Faafan ee DDS kala heshiisay Dawlad Deegaanka.

Deegaanka ay Somaliland dagaalkii ka dhacay ay kala heshiinayso DDS ayaa waxa uu ku yaalaa deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxa uuna hoos yimaadaa dawlad Deegaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Somaliland faafisay:

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-26-12-2024()- Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah.

Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaareen Xaalada Degaanka Dacawalay, iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin.

Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

About The Author