Madaxweyne Jubaland “Xasan Sheekh waa murtasaq Qowmi ah oo calooshii u shaqayste beelaysan oo ay qabyaaladdu ka qaalib noqotay”

27 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlayay masaajidka madaxtooyada Kismayo ayaa si xoogan u dhaleeceeyey madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh, oo uu ku sheegay nin Qabyaaladeed oo Qaranimada ka doorbiday qabyaaladda iyo danaha Shaqsiyadeed.

“Xasan Sheekh waa murtasaq Qowmi ah oo calooshii u shaqayste beelaysan oo ay qabyaaladdu ka qaalib noqotay Qarankii uu matalayayna ka hor mariyay dan shaqsiyadeed”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay Ummadda Soomaaliyeed tahay in laga qabto Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay in uu ka shaqeynayo dagaalo beeleysan oo Soomaaliya dib loogu cesho.


“Xasan Sheikh waa Mujrim Xarbi ah oo ay mudantahay in umadda Somaliyeed laga qabto fasaadka uu wado maanta Xasan, waxa uu ka shaqaynayaa in laba qof oo wada dhalatay qori isugu dhiibo meel aysan xabadi ka dhacaynin maanta majirto waxa uu boobaya hantidii umadda isaga oo xitaa qabuurihii soo faagay ayuu masaajidka ka dhaxleeyay musuqaan la dagaalamaynaa xitaa ma xishoonayo mana is arko waxa uu ku dhaqmayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa kusifeeyey madaxweyne Xasan Sheekh in uu kala saari waayay danaha Qaranka iyo qoyskiisa, oo uu caruurta iyo xaasaskiisa dawladnimada dhexgaliyey, isago Axmed Madoobe sheegay in uusan isagu waligiis jirin qof ka tirsan xaafaddiisa oo Jubaland dhexgala arrimaha maamulka.


“War ani xitaa hadanan wax idiin qaban waxaan idinka ceshaday qoyskayga & reerkayga Xasan Sheikh Caruurtiisa iyo xaasaskiisa ayaa meel walba boob ka wada wali, ma aragteen wiil aan dhalay mid ila dhashay & xaas aan qabo oo Dowladda Jubaland dhexx tagaan? Qofka Masuulka ah xitaa haduusan xaasaskiisa & caruurtiisa xasilin karin muxuu ummadda kale u qaban kara” ayuu yiri Axmed Madoobe.

About The Author