Golaha Amaanka oo ansixisay howlgalka cusub ee Soomaaliya walina ma cadda in laga reebay Itoobiya
28 Dec 2024 (Puntlandes.com) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah oo ay xalay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, waxayna ansixiyeen qaraar howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo markii hore ahaa ATMIS, loo bedelay AUSSOM.
Waxaa Qaraarka soo diyaariyay UK ayaa sheegay in shir dhaqaale lagu raadinayo la qaban doono bisha May 2025, waxaa u codeeyay 14 xubnood (haa), ma jirin wax diiday, waxaa ka aamusay guddoonka shirkan oo ah Mareykanka. AUSSOM waxaa la siiyay 12 bilood oo hor dhac ah waxaana waajidkooda lagu sheegay 2 arrimood: (1) xasilinta dalka iyo (2) gargaarka bani’aadannimo.
Shirka oo ay ka qeybgalaya wakiilada Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Qaraarkaan waxa uu sheegayaa in loo ogolaanayo in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay daabulaan 12,626 askari oo labisan kuwaas oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka mid noqonaya howgalka AUSSOM.
Ciidamada ka qaybta ah howlgalka cusub ayaa laga kala keenayaa wadamo badan oo Afrikaan ah, qorshaha howlgalka cusub ayaa la filayaa in uu soo dhamaado maalmo gudahood, iyadoo la shaacin doono nooca shaqada ay ka bilaabayaan Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa dhawaan shaacisay in ay qayb ka noqon doonto howlgalkaan cusub, iyadoo Soomaaliya ay horay u shaacisay in ay soo dhawayneyso codsiga Masar, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsiga Masar.
Itoobiya oo horay u codsatay in howlgalka cusub aan laga reebin, ayaa wakiilkii Soomaliya ku matalayey DFS waxa uu caddeeyey in aysan Ciidamada Itoobiya qayb ka noqon AUSSOM ayna dawladu diyaarisay heshiisna la gashay wadamadii ay ka imaan lahaayeen Ciidanku.
Dhanka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay iska daba keenaysay ilaa xalay hadalo iska hor imaanya oo ku saabsan ka mid ahaansha Ciidamada Itoobiya ee hawlgalka. Wasiirul dawle Cali Balcad ayaa sheegay in aan wali la go´aamin, halka uu uu wasiir Fiqi taageeray go´aanka ah in laga reebay Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale waxaa isna caddeeyey Lataliya Amniga Qaranka ee madaxwweynaha Xuseen Macalin in wali aan la go´aamin uuna dhigayey heshiiskii Ankara inay Itoobiya qayb ka noqoto Ciidamada AUSSOM.