DFS oo dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii AMISOM & ATMIS kamana mid noqonayso howlgalka cusub ee 2025
29 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii ay ka soo qaadatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ka hareyso howlgalka cusub ee 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya oo loo bixiyey AUSSOM.
Dowladda Burundi ayaa saluugtay tirada yar ee dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay, maadaama 1,041 askari loo ogolaaday inay ku soo darsadaan ciidanka loo qaadanayo howlgalka cusub ee AUSSOM, iyagoo codsaday 2000 Askeri.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Wasiirka Difaaca Qaranka iyo Ciidamada Jamhuuriyadda Burundi, isagoo yiri, “Inkastoo aan ka xunahay in la isku afgartay tirada aad saluugteen ee loo qoondeeyey doorka howlgalkaas ee Burundi, hadana waxaan ixtiraamaynaa go’aankaaga, waxaan ku qasbanahay inaysan ciidankiina BNDF ka qaybgalayn AUSSOM”
Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray “Anagoo taas ka duulayna, waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa xafiiskaaga Mudane Wasiir, inuu noo soo diro koox farsamo oo si habsami leh u bilaaba doorka ciidanka Burundi ee dhamaadka shaqada ATMIS iyo ku wareejinta amniga ee ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”
Dhanaka kale Wakiilka Dowladda Burundi ee AU ayaa qoraal ku taariikhaysan 28ka december wuxuu ku sheegtay in Ciidamada Burundi ayy kaalin lixaad leh ka qaateen amni kusoo dabaalida Soomaaliya aanna la inkri karin doorkoodii.
Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur ayaa wuxuu sheegay inay DFS u cayrisay Brundi si ay booskeeda u geliso Ciidamada Itoobiya oo aan haysan qayb ay uga mid noqdaan.
Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur ayaa qoraal ku yiri ”Burundi waa la idinka maarmay, waxaa ku xiga Itoobiya booskeeda buuxinaysa. Farriimihii is khilaafsanaa iyo go’aannadda is burinayay ee maalmahan ka soo baxay madaxda hay’adaha amniga iyo diblomaasiyada, waxay ahayd in shacabka la siro. Haddii uusan hoggaanku runta sheegin way adagtahay in la aamino.”