Muuqaal: Gudoomiyaha Hay’adda  SoDMA oo Abaarta kajirta dalka ku dalbay 1.5$ Bilyan gurmad loogu sameeyo dadkay abaartu saamaysay

30 Dec 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in Abaarta LaNina ee ka jirta dalkeenna ay saamaysay dad ka badan 6 Malyan oo qof, wuxuuna Beesha Caalamka ka dalbay lacag dhan 1.5$ Bilyan oo gurmad loogu sameeyo dadkay abaartu saamaysay.

 Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Abaar ba´an oo Roob la´aantii Dayrta ay sababtay ay ka jirto isagoo ku sii daray ina aan la ogayn in Gugu di´idoono iyo in kale.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Abaartu ay ka jirto 13 gobol oo ka mid ah 18kii gobol ee ay Soomaaliya ka koobnayd, 5ta gobol ee uu ku sheegay inaysan Abaartu ka jirin ayaa kala ah Banaadir, Nugaal, Sanaag Waqooyi Galbeed iyo Awdal.

About The Author