Sawirro: Cabdishakur Faarso oo ka mid ahaa xubno uu usoo abaabulay maamulka Xasan Sheekh Qalaase abuurka Jubaland ayaa isku soo dhiibay Dowlada Jland

30 Dec 2024 (Puntlandes.com) Cabdishakur Axmed Cali (Faarso) oo ka mid ahaa xubno mucaarad ah oo uu soo abaabulay maamulka Xasan Sheekh ayaa markii uu u adkaysan wayay falalka Sharciga baalmarsan ee DFS ka wado Jubaland isku soo dhiibay laamaha Amniga Dowlada Jubaland gaar ahaan kuwa Dhoobley.

Cabdishakuur Faarso ayaa qaatay go’aan ah inuu dib ugu soo laabto dadkiisa iyo deegankiisa, waxaana islamarkaasi hub si sharci-daro ah oo la doonayay in lagu qalqalgaliyo dadka reer Jubaland, oo ay ku heysteen deegaan u dhow degmada Dhoobley uu ku wareejiyay Hay’adaha amaanka iyo maamulka degmada Dhoobley.

About The Author