Akhriso Puntland oo kudhawaaqday in Canshuurta soo galida laga dhaafay gaadiidka ganacsi ee ka imaanaya DDS
30 Dec 2024 (Puntlandes.com) Puntland ayaa ku dhawaaqday in Canshuurta soo galida laga dhaafay dhammaan gaadiidka ganacsi ee ka imaanaya dhinaca Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, DDS, waxaana la amray in lagu diwaangaliyo Taarikada Itoobiya ee ay gaadiidku wataan oo aan lagu qasbin tan Puntland.
Gaadiidkaan ayaa ku socda Dekedaha Garacad iyo Bosaso, waxayna ka dhigan tahay in Puntland ay doonayso dardargalinta ganacsiga isku xiranka labada dhinac, iyadoo la amray in loo fududeeyo socodka ganacsigaan.
Talaabadan eyey Puntland u qaaday si iskaashiga ganacsiga loo fududeeyo, loona yareeyo caqabadaha imaan kara.