Ciidanka Difaaca Puntland ee Dharjaale oo guul ka gaaray weerar ay Argagixisada Daacish ku soo qaaday
31 Dec 2024 (Puntlandes.com) Xili ka hor ah Salaasada Subax ee maanta ayaa kooxda Argagixisada Daacish waxay weerar ku soo qaadeen saldhigga Ciidanka Difaaca Puntland ee Dharjaale. Weerarka oo labo qaybood ahaa ayey kiisa hore u adeegsadeen gaari bom laga soo buuxiyey, kadibna waxaa ku xigey koox wadata walxha qarxa oo iyana isqarxiyey ugu dambayna koox ka tirsan Daacish ayaa weerar toos ah ku qaadey ciidanka Puntland.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa jab xoogan u gaystay Daacish, iyagoo ka dilay 80 in kabadan. Deegaanka Dharjaale ayaa dhacda wadada degmada Iskushuban, waana halka dhawaan ciidamada difaaca Pntland ay ku soo bandigeen dhoolatuska.
Warar madaxbanaan ayaa waxay sheegayaan in dhanka Puntland ay jirto dhimashada afar askeri dhaawac kale uu jiro.
Argagixisada Daacish ayaa dagaalka saaka uga qayb galeen dagaalamayaal ajaaniib soocan ah, taasoo caddaynaysa inay dhab tahay tuhunkii laga qabay in Daacish ay u badan yihiin ajaaniib ka kala yimid dalal dhowr ah. Meydadka qaar oo argagixisada uga carareen goobta ayaa wada ahaa rag ajaaniib ah oo carab iyo Afrikaan ah.
Dawladda Puntland gashay abaal xoogan oo uga sifaynayso Buuraheeda Argagixisada ku dhuumata.