Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga taakulaynta & daryeelka dhaawacyada Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland

31 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa magacaabay guddiga taakulaynta & daryeelka dhaawacyada Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland.

Hoos ka akhriso magacaabista:

Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)

2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur

3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle

4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)

5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre

6. Guddomiye Cabdirisaaq Cali Siciid

7. Guddomiye Cabdifaataax Xaaji Shanle

Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis.

Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.

Fulin wacan,

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-

About The Author