MD Mustaf Cagjar ”Nacayb badan oo ku salaysan hayb ayaa la abuuray, waxaa jira Ururo ilaa hadda la dagaalamaya qalfoofkii Siyaad Barre… arinta DACAWALEY dadka shidaya qaar ka mid ah…Ururada aan wali ka BOGSOON dhibaatooyinkii dhacay 34 sano kahor”
31 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar oo markii ugu horeeyay ka hadlay dagaalkii ama colaadii deegaanka Dawacaley ee degmada Xarshisn gobolka Faafan ee DDS ayaa sheegay in wixii halkaas ka dhacay ay ahaayeen xadgudub loo gaystay ciidanka degaanka ee amniga ilaalinayay.
Madaxwayne Mustafe ayaa wuxuu sheegay in ciidankii amniga oo nabad galiyada ilaalinaya ayay kooxo hubaysan weerareen waxayna si aan bini aaadanimo ahayn ula dhaqmeen ciidankii ay dileen.
Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa yiri ”Sida aan tuhunsanahay haddii ay jiraan Xoogag nabadiid ah oo aagaas ku jirana aan ka wada shaqayno, (Somaliland), oon iskaashano, haddii aysan jirina way soo bixin doontaa, waan ogahay inay Xukuumaddu cusub tahay, wali aysan la wareegin dhamaan awoodihii amniga ee ay wax kaga qaban lahaydhawlahaaslaakiin waxaan ka codsanaynaa in la ixtiraamo xuduudaha Caalamiga ah oo lagu daato arinta Xukuumadda DDS, wixii talooyin ahna aan saxaafadda la isu marin..”
”Maanta haddaad gashaan Baraha Bulshada dhamaan goboladii Soomaaliya Qabaa´il baa is laynaya, Waqooyi ilaa Koonfur, waxay ka dhalay Ururadii Mucaaradka ahaa ee Hubaysnaa ee la dagaalamay Nikaamkii Kaligiistaliska ahaa, waxa hadda dhacayana waxay salka ku hayaan taariikhdaa hore, Nacayb badan oo ku salaysan hayb ayaa la abuuray, waxaa jira Ururo ilaa hadda la dagaalamaya QALFOOFKII SIYAAD BARRE, iyadoo aynu ognahay inuu dhintay xili hore taladana ka tagay ugu yaraan 34 sano ka hor, arinta DACAWALEY dadka shidaya qaar ka mid ah waxaan aaminsanahay inay yihiin kuwaan ka hadlay ee Ururada ah ee wali aan ka BOGSOON dhibaatooyinkii waagaa dhacay, waxaan ugu baawqaynaa NACA iyo QALFOOF LA DAGAALANKA siyaasadda ku salaysan inaysan ahayn mid horumar na gaarsiinaysa,
dadka Soomaaliyered way soo rafaadeed Gaajo iyo saxariir baa na dilay aduunka kama aynaan dambayneen haddii aynu nabad haysano, hadala FOOSHA XUN waxyaalaha dadka kala fogaynaya ee lagu hadlao inay dadka waawayn iska ilaaliyaan, Baraha Bulshada waxaa ku jira dad badan oo aan bislayn,”
”waxaa aad looga hadlayey Xasuuq baa ka dhacay Dacwaley, waxaa kaloo laga hadlayey Ciidankii Liyuu Booliska waan ka adkaanay oo waa xasuuqnay, ladaas arimood mid uun bay noqon, haddii Booliskii la xasuuqay maxaa loo laayey bay noqon, haday iyagu wax xasuuqeena ciday xaqsuuqeen ee maatida ahayd yeynu baari oo wada ogaan doonaa, waxaan ku kalsoonahay hal qog oo maati ah oo hubaysane Ciidanka la dagaalamayey aan ahayn inaysan ku dhiman”