Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo kulan la qaatay maalgashadayaal ka socda wadama carabta
01 Jan 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa kulan kula qaatay Wasaaradda maalgashadayaal ka socda wadama carabta oo kala ah Haani Hassan Abu-zayd Madaxa Golaha Sare ee Xiriirka Dhaqaalaha Afrika iyo Carabta iyo Yasir Bakhshawan oo ah Kuxigeenka Madaxa Golaha Sare ee Xiriirka Dhaqaalaha Afrika iyo Carabta kuwaa oo danaynaya in ay maalgashtaan xoolaha.
Kulanka oo ay ka qayb galeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Axmed Cartan Maxamed iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Axmed Aadan ayaa wasaaraddu u soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira puntland sida Xoolaha, Calafka, Caanaha, Hilibka, Digaagga iyo waxsoosaarka shinida.
Wasiirka ayaa ku dhiiri geliyey in ay maalgashtaan wadanka ka dowlad ahaanna ay u yihiin diyaar, sidoo kalena ka wasaarad ahaan inaan kala shaqayn doono isku xirka maalgashadaayaasha iyo xoolo dhaqato beeralayda deegaanada Puntland. Wasiirka ayaa ku booriyey in ay maal galiyaan warshahadaha horumariya waxsoosaarka caanaha, hilibka iyo calafka xoolaha.