Xafiiska Nabadgalyada DDS oo soo saaray digniin uu shacabka Deegaanka uga digayo Alshabaab

01 Jan 2025 (Puntlandes.com) Xafiiska Nabadgalyada Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo saaray digniin uu shacabka Deegaanka uga digayo Alshabaab oo doonaysa inay Deegaanka soo gasho iyadoo huwan Shaati qabiil.

Hoos ka akhro qoraalka Digniinta:

Digniin:- 23/04/2017 T. I (1/1/2025) Waxa uu Xafiiska nabadgaliyada DDS u dirayaa digniin amni: shacabka deegaanka.

Sida la wada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururka argaxisada ah ee shabaab oo ah in ay soo galaan dalka, haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan, dalka;

Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallinyarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha.

Sidaas darteed waxa ay hay’adaha amniga dalka iyo deegaanku ba billaabayaan fashilinta damaca argaxisada shabaab.

Haddaba waxaa bulshada deegaanka, ee sharafta leh, qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dhallinta, waxgaradka, aqoon yahanka, culimada iyo dumarkaba looga digayaa inaysan ku dagmin abaabulada ay xubanaha argagixsada shabaab wadaan iyaga oo ku gabanaya magaca qabiilka, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dalka iyo kuwa deegaankaba.

Mahadsanidiin.

About The Author