Muuqaal: Wasiir Fiqi “Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya madama ay dhulkeenii nagu qabsatay”

02 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiir Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in laga heshiiyey xiisadii u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya eek u saabsanayd MOU, isagoo sheegay inuu xalku ku yimid dulqaadka Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa yiri “Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabo, madama ay dhulkeeni nagu qabsatay.”

Dhanka kale waxaa Muqdisho ku sugan wafdi ka socda dawladda Itoobiya kaas oo ay dawladda Federaalku kala xaajoonayso tirada Ciidamada Itoobiya ee ka mid ahaanaya Hawlgalka cusub ee EUSSOM iyadoo ay dawladdu Golaha Amaanka ka sheegtay inaysan Itoobiya qayb ka noqonayn.

About The Author