Dowladda Federaalka oo caddaysay inay fulinayso heshiisyadii hore iyo codsiga kamid noqoshada Ciidamada Itoobiya ee AUSSOM

03 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay shaacisay ku sheegtay in ay fulinayso heshiiskii Ankara iyo codsiga Itoobiya ee ku biiridda howlgalka AUSSOM.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muhiimad weyn siineysaa wadahadalladan heer sarre ah ee labada dhinac, taasoo xoojinaysa xasilloonida gobolka, kalsoonida wadajirka ah, iyo dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Horay dawladda Federaalku waxay u taagnayd go´aan ay ku sheegtay inaysan aqbalayn in Ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan EUSSOM, iyadoo Ergada Soomaaliya ay taas ka sheegeen Golaha Amaanka EE UN 27dii december 2024.

About The Author