Sh. Shariif, Khayre & C C/shakur “Waxaan uga digaynaa qof walba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay ”
04 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Ra´iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakur Warsame oo qoraal ay Xaraashka dhulalka danta guud ee uu ku hawlan yahay maamulka Xasan Sheekh, iyagoo caddeeyey in qofkii ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay lagulana xisaabtami doono.
“Waxaan uga digaynaa qof walba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba” Sheekh Shariif, Khayre & C/racmaan C/shakur