Somaliland oo sheegtey in dib u eegeyso MOU Itoobiya “Citiraaf cadaabta u gelimayno kuna beddelen mayno dhulkayagana iyo kheyraadkayaga”
05 Jan 2025 (Puntlandes.com) Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa shaacisay in aanay weli arag isfahamkii/MOU madaxweynihii hore la saxeexday Itoobiya Jan 1.2024 ee ay Itooboya ku helaysay bad.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in marka ay arkaan isfahamkaa ay qiimayn doonaan in dani ugu jirto iyo in kale Somaliland kadibna ay go’aan ka gaadhi doonaan.
Wasiirka ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland ay Albaabkasta u garaaci doonaan balse aanay halaag gelin doonin shacabkooda si ay Ictiraaf u helaan.
Wasiirka ayaa ku siidaray in Somaliland aanay khayraadkeeda cidkale u siinaynin si la yidhaahdo waa laydin aqoonsaday.
Puntlandes.com