Sawirro: Tababbar loo furay 500 dhalinyara aqoonyahan ah oo kamid noqonaya ciidanka Booliiska dowladda Puntland

05 Jan 2025 (Puntlandes.com) Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska DPL Gen Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta tababbar u furay 500 oo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee fursada u helay kuna soobaxday codsiga kamid noqoshada ciidanka boliiska dowladda Puntland.

Musaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay Qaar kamida hogaanadda Ciidanka booliska Puntland,Taliyaha Dugsiga tababbarka ee Carmo Gen Muuse Xasaasi Saraakiisha Kulliyadda iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Ku xigeenka ciidanka booliska ayaa sidoo kale kormeeray goobaha loodirayey dhalinyarada sida goobaha tababarka,jiifka,laybareeriga,manhadjka,kushiinka iyo meelaha kale ee muhiimka ah,wuxu bogaadiyey dhalinyarada kuguulaystay kamid noqoshada ciidanka boliiska isgoo kula dardaarmay iney ka faaiidaystaan si ay dalka iyo dadkooda ugu shaqeeyaan.

Gudoomiyaha gudiga qorista iyo xulusta ciidanka boliiska dowladda Puntland G/sare Abdifatax Abdiqadir Axmed, kuxigeenka gudiga G/sare Abdirisak Ismaaciil Xasan(Darwiish) iyo kaaliyaha Taliyha ciidanka boliiska dowladda Puntland G/sare Axmed Abdi Sugule ayaa ugu hambalyeeyey dhalinyarada kuguulaystay fursada kamid noqoshada ciidanka boliiska dowladda Puntland,kuna bogaadiyey iney siwanaagsan uga faaiidaystaan,waxay kaloo xuseen iney diyaaryihiin dhamaan waxksta oo loogu talagalay tababarka loona diyaar garoobay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska DPL Gen Caydiid Axmed Nuur oo furay Tababrka ayaa u hambalyayeey adaa ku guulaysatay isagoo ku booriyay in fursada heerka sare ah ay heleen ay ka faa’iidaystaan.

Ciidanka boliiska dowladda Puntland ayaa qaatay 500 oo dhalinyaro ah kanabaxday jaamacadaha isuguna jirta rag iyo dumar kuwaas oo kusoobaxay codsiga qaadashada , loona tabaridoono saraakiil iyo takhakhusaad gaara.

FIIRO GAAR AH Haddii aad hesho xog ku saabsan falal amni-darro ama aad aragto wax khatar gelin kara amniga gudaha Puntland, fadlan la xiriir Ciidanka Booliska Puntland.

Wac: 999 haddii aad warbixin ka bixinayso dembi socda ama haddii aad ku jirto xaalad khatar degdeg ah. Adeeggan wuxuu shaqeeyaa 24/7.

About The Author