DFS oo 26 Cagaf qaybisay Puntland 2, Banaadir 4 & Khaatumo 0…..
06 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa 26 Cagaf oo ay ku heshay Mashruuca ka Soo Kabashada Qalalaasaha, Dhibtaada ee Soomaaliya (SCRP) ee uu maalgeliyo Bankiga Aduunka u qaybisay sidaan hoose.
1) Galmudug 5
2) Hirshabele 5
3) Koonfur Galbeed 5
4) Jubaland 5
5) Puntland 2
6) Banaadir 4
Gobolka Banaadir oo aan dawlad goboleed ahayn waxaa la siiyey 4 cagaf oo sidaan loogu qoray, (Agagaarka gobolka Banaadir ee dhanka Afgooye 2 cagaf), (Agagaarka gobolka Banaadir ee dhanka Balcad 2 xagaf)
Degmooyinka Balcad iyo Agooye ayaa ka kala tirsana Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, lamina garanayo sababta gooni loogu saaray loona hoos geeyey Banaadir.
Maamulka SSC-Khatumo oo deegaano badan oo dhul Beereed dalagyo kala duwani ka baxaana way qadisey Dawladda Federaalka Soomaaliya.