Sawirro: Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo isku fidiyey deegaannada ku teedsan buuralayda Calmiskaad
07 Jan 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo qorsheeyay in aan qofna ka baxsan Argagixisada, ayaa isku fidiyey deegaannada ku teedsan buuralayda Calmiskaad, iyagoo jiho kasta kaga yimi bartilmaameedka ay ku dhuumaalaysanayaan Argagixisada Daacish.
Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiishta oo ku guda jira Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa hadda hawlgalo Amni kawada deegaanka Xamure iyo deegaannada ku hareeraysan ee gobolka Bari.
Saraakiisha Hawlgalka ayaa kulamo wacyigelin ah oo ku saabsan wadashaqeynta Ciidanka iyo Shacabka la yeeshay dadka deegaannadaasi, waxayna la wadaageen digniinta ah in wixii dadka deegaanka ah ay haystaan fursadii ugu danbeysay ee ay kaga soo bixi karaan Argagixisada oo isugu soo dhiibaan Dowladda kahor intaan dagaalku bilowmin.